Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Booqday Dooxa Dacar-budhuq Oo Laga Wado Sahan Biyo Xidheen.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Booqday Dooxa Dacar-budhuq Oo Laga Wado Sahan Biyo Xidheen.

Masuuliyiinta Wehelinaysay Wasiirka, Waxa Higaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Cali Xasan Maxamed, Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Masuuliyiin Ka Socotay Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Iyo Madax Kale.

Kormeerkan Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loosoo Indho-indhayn Lahaa Dooxa Dacar-budhuq Oo Laga Wado Sahan Biyo Xidheen. Kaas Oo Ay Oo Wasaaradu Biyuhu Usoo Diyaryso Khubro Sahamisa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Sheegay In Goobtan Tahay Mid Meel Ku Haboon Biyo Xidheen Una Sameysan Qaabkii Biyo Xidheenka, Alle Ku Galadaystay Waxyaabihii Looga Baahnaa Biyo Xidheenka, Sidoo Kale Leedahay Goobtan Leedahay Biyo Shubkii Oo Ah Dhagax Didib Ah Oo Wax Kasta Ka Adag, Leefalka Ciiduna Dhinaca Kale Kala Simanyahay Dooxa, Isla Markaana Wuxuu Tilmaamay In Goobtan Leedahay Saddex Meelood Oo Noocan Oo Kale Ah, Oo Mustaqbalka Laga Sameyn Karo Biyo Xidheeno Laga Waraabiyo Magaaladda Dacar-budhuq Iyo Wax Kasta Oo Kale Oo Looga Faa’ideysan Karo, Isla Markaana Hadda Wasaaradda Biyuhu Usoo Diri Doonto Khubaro Sahan Kasoo Sameeya, Wixii Ka Danbeeyana Warbixin Laga Diyaarin Doono, Si Loo Hirgaliyo Biyo Xidheenkan.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ