Wasiirka Wasaaradda Ayaa Shir-gudoomiyey Shir Ay Saaka Yeeshaan Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Lagaga Hadlayey Fulinta Master Plan-ka Magaaladda Burco.


Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Shir-gudoomiyey Shir Ay Saaka Yeeshaan Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Lagaga Hadlayey Fulinta Master Plan-ka Magaaladda Burco.

Kulanka Saaka Waxa Goobjoog Ka Ahaa Dhamaan Xubnaha Gudida Naqshadaynta Qaranka, Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gudida Naqshadaynta Ahna Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Biyaha Mudane Siciid Jibriil,. Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Albaani. Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge, Maayirka Magaaladda Burco, Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf.

Intii uu socday Shirkan ayaa lagaga dooday sidii Loo fulin lahaa Master Plan-ka Magaaladda Burco, iyo Qorshaha uga yaala Gudida Naqshadaynta Qaranka, iyadoo xogwaran laga dhagaystay Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Degmadda Burco oo Gudida Naqshadaynta warbixin ka siiyeen sida Magaaladu diyaarka ugu tahay in la fuliyo Qorshe Magaaleedka Burco, Iyo sida ka Maamul Gobol ahaan iyo Maamul Degmo ahaan diyaarka uyihiin in Mashruucaas uufulo.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan ahan Gudoomiyaha Gudida Naqshadeynta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hawlwadeenadu diyaar uyihiin fulin Qorshe Magaaleedka Magaaladda Burco, wixii ka dhiman ee farsamo ahna ay sida ugu dhakhsaha baddan ay udhameynayaan Gudi loo xilsaaray arintaas oo kala ah.

1. Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta
2. Wasiirka Arimaha Gudaha
3. Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga
4. Wasiirka Horumarinta Biyaha
5. Wasiirka Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha
6. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda
7. Wasiirka Deegaanka Iyo Isbadelka Cimiladda.
8. Badhasaabka Gobolka Togdheer
9. Maayirka Magaaladda Burco


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ