Wasiirka Wasaaradda Ayaa Kulan Ku Saabsan In Wasaaradda Hawlaha Guud Soo Gabogabaysay Sameynta Dhamaan Wadooyinkii Ka Farcameyey Master Plan-kii Magaaladda Laascaanood La Qaatay Badhasaabka Gobo


Wasiirka Wasaaradda Hawaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Saaka Kulan Ku Saabsan In Wasaaradda Hawlaha Guud Soo Gabogabaysay Sameynta Dhamaan Wadooyinkii Ka Farcameyey Master Plan-kii Magaaladda Laascaanood La Qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Iyo Maayirka Magaaladda Laascaanood.

Kulankan hawleedkan saaka qabsoomay waxa goobjoog ka ahaa, Wasiir Ku XIgeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayirka Degmadda Lascaanood Mudane C/raxiim Cali Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidh Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyo Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Sool.

Maayirka Degmadda Laascaanood Ayaa Umahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawshi ay halkan ka qabteen, wuxuuna sheegay inay si rasmiya loo soo gabogabeyey Wadooyinkii ka farcameyey Master Plan-kii Magaaladda Laascaanood, shaqadaasna ay wada qabteen Injineero Ka Socday Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Injineero Ka Socday Dawladda Hoose ee Laascaanood.

Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye ayaa isna dhinaciisa Umahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawshi ay halkan ka qabteen, markii hore oo ahayd Naqshad cusub in loo sameeyo Magaaladda Laascaanood, Haddana in la fuliyo Naqshadaa oo Wasaaradda Hawlaha Guud Magaaladda Laascaanood sannadkii 2019-kii usameysay Master Plan dhameystiran, haddana lasoo gabogabeeyey dhamaan Wadooyinkii ka farcameyey Master Plan-kii oo in muddo ah wadeen Injineero labadda dhinac ah, isagoo Badhasaabku guul ku tilmaamay hawshaa Qaranka uqabsoontay.

Wasiirka Wasaaradda Hawaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa umahadceliyey Dawladda Hoose Ee Laascaanood doorkii ay ka qaadatay in la dhmaystiro dhamaan Wadooyinkii ka farcameyey Master Plan-kii Magaaladda Laascaanood oo in muddo ah wadeen Injineero labadda dhinac ahi, Wasiirku wuxuu xusay in Laascaanood ay tahay Magaaladii uhoreysay ee dhamaan Wadooyinkii ka farcameyey Master Plan-ka dhameystirta. Isagoo hawshaa ku amaanay Maamulka Dawladda Hoose ee Laacaanood Iyo Iyo Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Sool.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/