Wasiirka Wasaarada Ayaa Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Maamulka Degmadda Ceerigaabo Nashqadii Master Plankii Loo Sameeyay Degmada Ceerigaabo Iyo Urban Profile-kii Magaal

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane C/Laahi Abokor Cismaan Ayaa Si Rasmiya Maanta Ugu Wareejiyey Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Maamulka Degmadda Ceerigaabo Nashqadii Master Plankii Loo Sameeyay Degmada Ceerigaabo Iyo Urban Profile-kii Magaaladaas.

Kulankan maanta waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Axmed Iyo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaarayaha Mudane C/rashiid X Ducaale Qambi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Halwaha Guud Mudane Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sanaag, Maayirka Ku Xigeenka Degmada Ceerigaabo Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyo Marti Sharaf Kale Agaasimaha Ku Xigeenka Waaxda Naqshadeynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Xuseen Maxamed C/laahi ayaa sharaxay Nashqada Guud Ee Master Planka Loo Sameeyay Degmada Ceerigaabo

Maayirka Ku Xigeenka Degmada Ceerigaabo, Iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag ayaa si isku mida ugu mahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawshi ay ka qabteen Magaaladda Ceerigaabo 2020-kii, wuxuuna sidoo waxay umahadceliyeen hawlwadeenadii naqshadda maanta la wareejinayo sameeyey isla markaana qaabeeyey, qorsheeyey Maagaladda Ceerigaabo.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa umahadceliyey Dawladda Hoose Ee Ceerigaabo qeybtii ay ka qaadatay Fulitaankii Master Plan-kii ay Wasaaradu usameysay Degmadda Ceerigaabo wuxuu bogaadiyey kharashkii gaarka ahaa ee lafdhabrta u ahaa inuu fulo mashruucaasi oo Dawladda Hoose ee Ceerigaabo Iyo Dadwaynaha Reer Ceerigaabo qeybta ugu weyn ku lahaayeen isagoo sidoo kale Agaasimahu wuxuu xusay in naqshadan maanta ay wareejinayaa Dhulkii Master Plan-ku uu maray ay ahaayeen Beeraha, isla markaana maanta qof kasta oo Beertiisi uu marey Master Plan-ku uu garan karo dhulkii oo uqeybsan Blocks, isla markaana leh Naqshad ugaara.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Warsame Jaamac ayaa si rasmiya ushaaciyey inuu Dawladda Hoose Ee Ceerigaabo ku wareejiyeen ka Wasaarad Hawlo Guud ahaan Naqshadda qeybsan, isla markaana ay ku jiraan goobihii danta guud ahaa, sida goobaha Caafimaadka, Garoomadda lagu ciyaaro, goobaha Waxbarashadda, iyo Dhulka Danta Guud.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/Laahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inay maanta tahay maalin Qaran maadaama ka Wasaarad ahaan wareejinayaan Naqshadii Rasmiga ahayd ee Magaaladda Ceerigaabo. Wuxuuna xusay in isticmaalka Dhulka ee Magaaladda Ceerigaabo noqon doono qaabkan ay udhigantahay Naqshadan Maanta la wareejinayaa. Wuxuu bogaadiyey cid kasta oo kasoo shaqeysay, isagoo umahadceliyey Injineeradii fuliyey Master Plan-kii Magaaladda Ceerigaabo laga fuliyey 2020-kii.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh.
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/,
Website: https://mopwlh.govsomaliland.org