Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Ayaa Tababar Magaaladda Hargeysa Ugu Soo Xidhay 58 Hawlwadeen Oo Lagu Tababaray Hanaanka Maaraynta Kaabayasha Hantida Raagta.

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Tababar Magaaladda Hargeysa Ugu Soo Xidhay 58 Hawlwadeen Oo Lagu Tababaray Hanaanka Maaraynta Kaabayasha Hantida Raagta.

Tobabarkan Oo Ay Iska Kaashanayeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ayaa Socday Muddo Labo Cisho Ah, Iyadoo Hawlwadeenadii Lagu Tababarayey Hanaanka Maaraynta Kaabayasha Hantida Raagta Ay Ka Kala Socdeen Hayadaha Madaxa Banaan Iyo Dawladaha Hoose ee Dalka.

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Sheegay In Hawlwadeenadan Lagu Tabobarayey Hanaanka Maaraynta Kaabayasha Hantida Raagta Ay Kala Socdaan Hayadaha Madaxa Banaan Iyo Dawladaha Hoose, Isla Markaana Laga Doonayo Inay Soo Diiwaangaliyaan Hantida Raagta Ee Xafiisyadda Ay Hawlwadeenadan Ay Ka Kala Yimaadeen Yaala.

Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Sidoo Kale Sheegay Ka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Inay Diiwangalinta Hantida Raagta Ay Uga Daeeyihiin In Qaranku Ogaado Hantida Uu Leeyahay, Isla Markaana Ay Ka Dhexmuuqato Xisaab Xidhka Qaranku Leeyahay Ee Sannad Kasta La Sameeyo, Taas Oo Marka Hawshan Soo Dhammaato Ay Ku Wareejin Doonaan Wasaaradda Maaliyadda Iyo Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ