Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ayaa Soo Kormeeray Hirgalinta Wadooyinkii Ka Farcameyey Master Plan-kii Wasaaradu Ka Fulisay Magaaladda Boorama


Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Soo Kormeeray Hirgalinta Wadooyinkii Ka Farcameyey Master Plan-kii Wasaaradu Ka Fulisay Magaaladda Boorama Oo Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud Si Habsami Leh Uga Wadaan Magaaladda Boorama.

Kormeerkan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Waxa Ku Wehelinayey Maayirka Degmadda Booram Mudane Maxamed Aadan Baradhe, Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng C/raxmaan Maxamed Aar. Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Ka Socotay Dawladda Hoose Ee Boorama Iyo Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Awdal.

Kormeerkan Ayaa Daarnaa Sidii Wasiir Ku Xigeenku Indhihiisa Ugu Arki Lahaa Shaqadda Baaxda Weyn Ee Ka Socta Magaaladda Boorama, Taas Oo Ay Wadaan Injineero Ka Kala Socda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose ee Magaaladda Boorama. Iyadoo Dhamaan Ay Soo Mareen Wadooyinkii Waaweynaa Ee Master Plan-ka, Iyo Wadooyinkii Yaryaraa Ee Ka Farcameyey Qorshe Magaaleedkii Boorama Oo Hadda Gacanta Lagu Hayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Bogaadiyey Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Halkan Ku Sugan Magaaladda Boorama, Sidoo Kale Wuxuu Umahadnaqay Dawladda Hoose ee Magaaladda Boorama Tacabkay Galisay Horgalinta Shaqaddan, Isagoo Dadweynaha Reer Boorama Usoo Jeediyey Inay Soo Dhaweeyaan Quruxdan Ay Yeelatay Magaaladoodu, Iyo Naqshaddan Quruxda Baddan Ee Maanta Kasoo Baxday Magaaladda Boorama.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos