Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ayaa Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Maamulka Degmooyinka Kala Ah Baligubadle, Alleybaday Iyo Xariirad Nashqadihii Master Plan-kii Wasaaradu Usameysay Degmooyinkaas.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa  Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Maamulka Degmooyinka Kala Ah Baligubadle, Alleybaday Iyo Xariirad Nashqadihii Master Plan-kii Wasaaradu Usameysay Degmooyinkaas.

Wareejinta Nashqadahan Oo ay Goob Joog Ay Ka Ahaayeen Wasiirka Wasaarada Horumarina Beeraha Eng,C/qaadir Iiman, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Bulshada, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlah Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yusuf,Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah Ee Golaha Barlamanka, Xildhibaano, Badhasaanka Gobolka Gabiley, Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Hawd Mayarka Degmada Alaybaday Mayarka Degmada xariirad, Mayorka Degmada Alaybaday

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Oo Marti Sharafta Soo Dhaweeyayy Ayaa Uga Mahadnaqay Sida FIcan Ee ay usoo ajiibeen Marti qaadka sidoo kale u mahad celiyay Shawaalihi kasoo Shaqeyay degmooyinka la gudoonsinayo nashaqadaha iyo waliba Dadwaynihii ku dhaqnaa degmooyinka nashqada la gudoonsiinayo Ugana mahad naqay sida fiican ee ay u garab istageen shaqaalaha Fulinayay hawshaas.

Ugu Dambayntii Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Si Rasmiya u Gudoonsiiyey Degmooyinka Kala Ah Baligubadle, Alleybaday Iyo Xariirad Nashqadihii Master Plan-kii Wasaaradu Usameysay Magaalooyinkaas Ayaa Kula Dardaarmay Inay Sidaa Naqshadu Tahay Lagu Ilaaliyo. Isla Markaana Wasaaradda Hawlaha Guud Ku Dabagali Doonto.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuE12-10