Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Dadweynaha Sanaag Usoo Bandhigtay Master Plan-kii Ay Usameynayso Magaaladda

Ugu Horey Maayirka Degmadda Ceerigaabo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag, Xubno Ku Hadlayey Afka Dadweynaha, Taliye Ku Xigeenka Booliska Gobolka Sanaag, Taliyaha Qeybta Saddexaad Ee Ciidanka Milatariga Ayaa Dhamaantood Si Isku Mid Usoo Dhaweyey Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Injineeradiisa.

 

Agaasimaha Waaxadda Dhulka Iuo Guryaha Mudane Maxamuud Maal Cali Ayaa Dadweynaha Uga Waramay Qaabka Ay Ugali Doonaan Mashruuc Master Plan-ka, Kaas Oo Dib Uqorsheyn Lagu Sameyn Doono Magaaladda.

 

Agaasimaha Nashqadeynta Magaooyin Mudane C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Dadweynaha Isna Dhinaciisa Usharaxay Maps-ka Ay Ku Cadyihiin Master Plan-ka Wasaaradu

 

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Hadalka Soo Xidhay Ayaa Dadweynaha Ceerigaabo Ugu Baaqey Inay Mashruuc Ay Wadaan Ka Faa'ideystaan Oo Magaaladooda Loo Qurxiyo Ay Ogolaadaan. Waxaanu Ku Booriyey Inay Nabadgalyadda Ilaaliyaan Inta Mashruucaas Ay Wadaan Ay Isla Markaan Soo Dhaweeyaan Hawlwadeenada Hawshan Gacanta Ku Hayn Doona.
 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD