Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Maanta Qabsoomay.

Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Maanta Qabsoomay.
----------------------------------------
04-03-2021 Hargeisa "Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud" Fadhigii 6aad ee sannadkan 2021 ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu shir guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse, kuna wehelinaayey Dhamaan Agaasime Waaxeedada Wasaaradu oo maanta ka qabsoomay xarunta Dhexe ee Wasaaradda ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha ilaalinta dhulka danta guud wakhtiga lagu jiro Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Ugu horrayn dhamaan Agaasime Waaxeedada ayaa mid kastaa waaxdiisa ka warbixiyey wixii uqabsoomay mudadii todobaadka ahayd ee lasoo dhaafay.
Intii uu socday shirku waxa la iskula qaatay sidii wareegtadii Wasiirka ee Arimaha Dhulka wakhtiga kala guurka doorashooyinka loo dhaqan galin lahaa, iyadoo Agaasimaha Waaxda Dhulka lafaray inuu dhaqaajiyo unugii heeganka dhulka danta guud mudada kala guurka lagu jiro doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
Dhinaca kale waxa gudi loo saaray sidii loo soo bandhigi lahaa dhamaan wixii Wasaaradu qabatay saddexdi sano ee mudo xilkeeda Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, Wasaradda uu gadhwadeenka ka ahaa Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi. Iyadoo dhinaca kale la isla qaatay in Waaxda IT-ga Wasaaradu ay diiwangaliso dhamaan agabka ICT-ga ee Wasaaradu isticmaasho, iyadoo hawshaa lagu bogaadiyey Agaasimaha Waaxda IT-ga Umalkhayr Suldaan Aadan.

Ugu danbayntiina Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Gueyeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse oo soo gunaanaday ayaa Agaasime Waaxeed kasta amray in waax kasta shaqadii utaalay lagu dhameystiro todobaadkan soo socda Insha Allah, dhinaca kale wuxuu bogaadiyey shirkii Injineerada Dhismayaasha ee Qabsoomay Iyo Lakulankii Shirkada Dhismayaasha ee Isna Qabsoomay.

Agaasime Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa Agaasime Waaxeedada ku wargaliyey in todobaadkan labilaabayo Barnaamuji Wacyigalineed oo lamagac baxay "Barnaamujka Hawlaha Guud Iyo Horumarinta Magaalooyinka", kaas oo si toosa uga bixi doona Radio Hargeysa Iyo Baraha Bulshada, kaasna loo diyaar garoobo, wuxuuna dhamaan Waaxaha ku booriyey in la iskula xisaabtami doono dhamaan qorshayaashi kala duwanaa ee waaxuhu soo gudbiyeen ee udajisanaa saddex biloodkan uhoreeya sannadka.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ