Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland Ayaa Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.


Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland Ayaa  Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

Saaka Kulan Ay Yeesheen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland Ayey Maanta Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Masuuliyiin Kala Duwan Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi Umagacaabay Xilal Kala Duwan.

Masuuliyiintan Saaka Xilalka Kala Duwan Loo Magacaabay Waxa Kamid Ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.
Kulankan Saaka Ay Yeesheen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland Waxa Shirgudoominayey Gudoomiyaja Golaha Wakiiladda Mudane C/rasaaq Khaliif Axmed. Iyadoo Kulankan Ay Kasoo Xaadireen Badi Xildhibaanad Golaha Wakiiladda Somaliland. Waxa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Cod Aqlabiyada Ku Ansixiyeen 58 Xildhibaan.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ