Gudida Farsamadda Ee Gacanta Ku Haysa Master Plan-ka Wasaaradda Hawlaha Guud Usameynayso Magaaladda Hargeisa Ayaa Yeeshay Shirkoodii Labaad Iyagoo Ku Flanqeeyey Sidii Degdeg Loogu Bilaabi Lahaa


Gudida Farsamadda Ee Gacanta Ku Haysa Master Plan-ka Wasaaradda Hawlaha Guud Usameynayso Magaaladda Hargeisa Ayaa Yeeshay Shirkoodii Labaad Iyagoo Ku Flanqeeyey Sidii Degdeg Loogu Bilaabi Lahaa Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa.

Gudida Oo Ay Kala Hogaaminayaan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeisa Mudane Siciid Nuur Jaamac.

Shirkan Ay Maanta Yeesheen Gudida Farsamadda Ee Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa Waxa Shirgudoominayey Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeisa Mudane Siciid Nuur Jaamac. Waxaan Goobjoog Ka Ahaa Agaasimayaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud. Agaasime Iyo Agaasime Ku Xigeenka Ee Waaxda Naqshadaynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee Dawladda Hoose Ee Hargeisa.

Shirkan Ayaa La Iskula Qaatay Goobaha Ay Mari Doonta Wadda Ay Xayndaabka Unoqon Doonta Maagaladda Hargeisa, Iyadoo Gudidan Farsamadu Ay Kormeerka Kusoo Sameyn Doonto Goobaha Ay Mari Doonto Wadadaasi, Dhinaca Kale Gudidan Ayaa Isla Qaatay In Sida Ugu Dhakhsaha Baddan La Bilaabo Xog-ururinta Qorshe Magaaleedkii Magaaladda Hargeisa, Iyadoo Isla Qaatay In La Dadajiyo Bilawga Master Plan-ka Magaaladda Hargeisa.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/