Wasiirka Hawlaha Guud Oo Warbixin Ku Saabsan Master Plan-ka Magaaladda Hargeysa Ka Dhagaystay Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Mustafe Cali Bile Ayaa Shir Ku Saabsan Sidii Degdeg Loogu Bilaabi Lahaa Hargeisa Master Plan La Qaatay Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud.

Shirkan Waxa Ka Qeybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, Agasime Ku Xigeenka Waaxda Naqshadaynta Eng. Xuseen Maxamed C/laahi Iyo Dhamaan Hawlwadeenadda Gacanta Ku Haya Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa ‘’Hargeisa Master Plan’’.

Intii Shirka Socday Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Mustafe Cali Bile Wuxuu Warbixin Ka Dhagaysay Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, Isagoo Uga Warbixiyey Halka Ay Marayso Falanqeynta Iyo Kala Hufida Xogtii Laga Soo Ururiyey Magaaladda Hargeisa Oo Ay Hadda Gacanta Ku Hayso Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud.

Dhinaca Kale Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Eng. C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Warbixin Waafiya Ka Siiyey Halka Ay Marinayaan Injineeradda Wasaardda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Naqshadii Cusbayd Ee Wasaaradu Usameynaysay Magaaladda Hargeisa, Isagoo Agaasimaha Waaxda Naqshadayntu In Hawshaa Iyadana Gacanta Lagu Hayo.

Ugu Danbayn Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeytna Mudane Mustafe Cali Bile Ayaa Aad Ugu Baraarujiyey, Kuna Booriyey Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawlwadeenadeeda Injineeradda Ah Inay Degdeg Hawshaa Usoo Dhameeyaan, Isla Markaana Udiyaar Garoobaan Sidii Loo Fulin Lahaa Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa ‘’Hargeisa Master Plan’’, Magaalada Hargeisa Iyadna Unoqon Lahayd Magaalo Qorshaysan, Qaabaysan Isla Markaana Qurux Baddan, Isagoo Wasiirku Xasuusiyey Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawlwadeenadeeda Injineeradda In Dadweynaha Magaaladda Hargeysa Iyo Qarankuba Iyaga Sugayo, Sidaa Awgeed Ay Khasab Tahay In Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa La Dadajiyo, Horena Loo Dhameeyo.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD