Maamulka Sare Ee Wasaaradda Oo Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Maalinta Shaqaale Weynaha Aduunka.


HAMBALYADA MAALINTA SHAQAALE WEYNAHA ADUUNKA 01-05-2023

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, waxay hambalyada maalinta shaqaalaha aduunka la wadaagayaan dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeynta qeybahooda kala duwan, Maadaama maanta ay tahay maalinta loo asteeyey in la xuso shaqaale weynaha adduunka. waxaanay leeyihiin Hambalyo Dhamaantiin.

Hambalyadan Maamulka sare ee Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeynta uu la wadaagayo dhamaan shaqaale weynaha Wasaaradda wuxuu ku yidhi “waxa xaqiiqo ah In aa tihiin shaqaale hawl kar ah, dadaal baddan, Isku xidhan, kana soo dhalaala shaqooyinka loo igmaday, idinkoo u adeegaya Bulshadiina iyo Qarankiina Soomaliland, isla markaana ka dhabaynaya himiladda iyo higsiga Wasaaradda, xaqiiyinayana yoolka Qarankan udagsan, waxaana naga go'an horumarinta shaqaalaha Wasaarada, iyada oo laga horumarinayo dhinac walba, ha noqoto dhinaca xirfada, aqoonta iyo hal-abuurka intaba, waxaanu mudnaanta kowaad noo ah inaanu door muhiim ah ka qaadano isla markaana sii libin laabaan sidii ay shaqaalaha Wasaaradu u heli lahaayeen xuquuqdooda shaqaalenimo oo dhameystiran”.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, waxay dhamaan shaqaale weynaha Wasaaradda meel ay jooganba waxay urajaynayaan, sharaf, cizi, cibaado iyo caafimaad, waxaanay Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe.

HAPPY INTERNATIONAL LABOUR DAY 1ST MAY 2023

ALLAH MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime ku xigeenka Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/