Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Shirgudoomiyey Shir Lagu Gorfeynayey Qorshihii Lagu Bilaabi Lahaa Hargeisa Master Plan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Shirgudoomiyey Shir Lagu Gorfeynayey Qorshihii Lagu Bilaabi Lahaa Hargeisa Master Plan.

Kulankan saaka oo uu Shirgudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargaysa Mudane Siciid Nuur Jaamac, Iyo Gudida Farsamo Ee Hagaysa Qorshaha Magaaleedka loo Sameynayo Hargeisa Master Plan.

Kulankan waxa warbixin Lagaga dhagaystay Gudida Farsamo Ee Hagaysa Qorahe Magaaleedka loo sameynayo Hargeisa “Hargeisa Master Plan, waxaana warbixintaas soo jeediyey Agaasimaha Naqshadynta Magaalooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng C/raxmaan Maxamed Aar, Isagoo sharaxay qaabka Uu ku bilaabamayo Mashruucan, inta uu soconayo, wajiyadda kala duwan ee uu yeelanayo, Iyo sida Ay ugu talogashay Gudidu in Qorshahan uu ufulo.

Ugu danbeyn labadda dhinaca ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Dawladda Hoose ee Casimadda Hargeisa ayaa Isla qaatay In shirar danbe la iskugu yimaado, sidii loo sii anbaqaadi lahaa loona dajin qorshe dhameystiran oo lagu fulinayo Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa “Hargeisa Master Plan”.

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime ku xigeenka Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/