Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Gudoomiyaha Bank Dhexe Ku Wareejiyey Dhul Weyn Oo Laga Dhisi Doono Xarunta Ugu Weyn Ee Uu Yeelan Doono Bank Dhexe Ee Somaliland.


Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Gudoomiyaha Bank Dhexe Ku Wareejiyey Dhul Weyn Oo Laga Dhisi Doono Xarunta Ugu Weyn Ee Uu Yeelan Doono Bank Dhexe Ee Somaliland.

Madashan Lagu Wareejinayey Dhulka Weyn Ee Laga Dhisi Doono Xarun Weyn Oo Uu Yeelan Doono Bank Dhexe Ee Somaliland Waxa Goobjoog Ka Ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Gudoomiyaha Banka Dhexe Ee Somaliland Mudane Cali Cabdilaahi Daahir, Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Kala Socotay Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Bank Dhexe.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyadoo Ka Duulaysa In Dhamaan Hay’adaha Kala Duwan Ee Dawlada Somaliland Helaan Dhul, Isla Markaan Wasaaradu Ka Masuul Tahay Dhamaan Dhulka Dawladda Iyo Dhulka Danta Guud Ee Qaranka, Sidoo Kala Masuul Qaranka Uga Tahay Dhamaan Dhisida Xafiisyada Dawladda Waxay Maanta Banka Dhexe Ee Somaliland Ku Wareejisay Dhul Banaan Oo Laga Binayn Doono Xarunta Ugu Weyn Ee Uu Yeelan Doono Doono Banka Dhexe Ee Somaliland.

Dhinaca Kale Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Waxay Naqshadayn Doontaa Dhismaha Laga Dhisi Doono Dhulkaas, Iyadoo Hadhawna Ilaalin Doonto Badqabka Iyo Habsami Usocodka Dhismaha Loo Dhisi Doono Bank Dhexe Ee Somaliland, Maadaama Wasaaradu Qaranka Uga Masuul Tahay, Qiimeyanta, Ilaalinta, La Socodaka Dhamaan Dhisme Kasta Oo Dawladda Loo Dhisayo.

Ugu Danbayn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Gudoomiyaha Banka Dhexe Ee Somaliland Mudane Cali Cabdilaahi Daahir Dhulkaa Banaan Ee Weyn, Kuna Yaala Xaafadda Shaacabka Ee Magaaladda Hargeisa, Gaar Ahaan Waqooyiga Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland.


C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime ku xigeenka Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/