Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Kulan Isbarsho Ah La Qaatay Masuuliyiinta Ugu Sareysa Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Kulan Isbarsho Ah La Qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda.

Kulankan Isbarashadda Ah Ee Maanta Wasiirku La Qaatay Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Waxa Goobjoog Ka Ahaa, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Iyo Dhamaan Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Kulankan Isbarashadda Ahaa Ee Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta La Qaatay Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaaradda Waxa Uu Ka Qabsoomay Hoolka Shiraraka Ee Wasaaradda, Iyadoo Dhinacyadii Ka Duwanaa Ee Shirka Kasoo Qeybgalay Intii Shirku Socday Si Fiican La Iskugu Bartay.

Ugu Danbayn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Agaasime Waaxeedada Uga Mahadceliyey Kulanka Isbarashada Ahaa, Wuxuuna Dhamaan Agaasime Waaxeedada Ku Wargaliyey Inuu La Qaadan Doono Kulan Waax Kasta Ah, Oo Agaasime Waaxeed Kastaa Kaga Warbixin Doono, Shaqooyinka Waaxdiisu Gacanta Ku Hayso, Wixii Uqabasoomay Sannadkii Tagay Iyo Qorshaha Udagsan Haduu Alle Idamo. Isagoo Wasiirku Xafiisyadda Ay Ka Koobantahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeytu, Usoo Maray Xafiis Kasta, Isla Markaana Shaqaalaha Ka Hawlgala Xafiisyadaa Kala Duwan Goobahooda Kusoo Kormeeray.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD