Muuqalo Guud Xafladi Master Plan-ka Ceerigaabo ee Wasiirku Ka Daahfurey Degmadda Ceerigaabo.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Magaaladda Ceerigaabo Ka Daahfurey Master Plan Ay Wasaaradu Usameyn Doonto Degmadda Ceerigaabo.

Xafladan Lagu Daahfurey Master Plan-ka Wasaaradda Hawlaha Guud Usameyn Doonto Degmadda Ceerigaabo Ayaa Waxa Kaso Qeybgalay Maamulka Degmadda Ceerigaabo, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Salaadiin, Odoyaal Iyo Bulsha Weynta Magaaladda Ceerigaabo.

Ugu Horeyn Waxa Xafladda Furey Maayirka Degmadda Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur Wuxuu Soo Dhaweyey Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Hawlwadiinadiisa La Socda Ee Fulin Doona Master Plan-ka Degmadda Ceerigaabo, Isna Waxa Dhunaciisa Soo Dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Balan Qaaday Inay Awood Dawladeed Hawshan Lagu Fulin Doono.

Dhinaca Kale Waxa Madasha Ka Hadlay Madaxda Wasaaradda ee Kala Ah  Agaasimaha Waaxada Qorsheynta, Agaasimaha Waaxda Nashqadeynta Magaalooyinka, Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryaha Waxaanay Faahfaahin Weyn Bulshada Ceerigaabo Ka Siinay Wuxuu Xanbaarsanyahy Mashruuc, Inta Uu Socon Doono, Waxa Looga Baahnyahay Dadweynaha Ceerigaabo, Iyo Quruxda Hadhaw Soo Bixi Doonta.

Salaadiinta, Cuqaasha Iyo Odoyaasha Magaaaladda Ceerigaabo Oo Hadalka Iska Dabo Maray Ayaa Uscabotumay Soona Dhaweeyey Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Hawsha Uu Uwado Magaaladda Ceerigaabo, Waxaanay Balan Qaadeen Inay Diyaar Uyihiin Hawshaa Master Plan-ka.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Sharaxaad Weyn Ka Siiyey Bulshadda Ceerigaabo Master Plan-ka Ay Usameyn Doonaan Magaaladda, Wuxuuna Usoo Jeediyey Inay La Shaqeeyaan Inatay Hawshan Wadaan.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dhinaca Kale Sheegay In Kharashka Ku Bixi Doona Hawshan Ay Bixin Doonta Wasaaradda Hawlaha Guud, Wuxuuna Bulshada Ceerigaabo U Soo Jeediyey Inay Sandaqadaha Wadooyinka Yaala Ay Ka Qaataan Inta Aanay Soo Gaadhin.