Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuu Wareegto Madaxweyne Ku Magacaabay Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeynta.

WAREEGTO MADAXWEYNE: 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-973/042023, JSL/XM/WM/222-975/042023 iyo JSL/XM/WM/222-976/042023 Wxuuu Ku Magacaabay Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeynta.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cabdillaahi Abokor Cismaan
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.

Ujeeddo: Beddel

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In aan Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.