Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka ''Master Plan'' Ee Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Burco Oo Si Rasmiya Hawlwadeenadu Wasaaradu Ubilaabeen.

Waxa Magaaladda Burco Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Uga Bilaabeen Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka ''Master Plan'' Ee Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Burco.

Xo-ururinta ayaa socon doonta muddo labaatan cisho ah, iyadoo ay iskaashan doonaan shaqaale ka kala socda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta iyo Dawladda Hoose ee Burco, shaqalaahan xog-ururinta ayaa ka baddan 50-shaqaale ah.

Agaasimaha Waaxda Nashqadaynta Magaalooyinka C/raxmaan Maxamed Aar Ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo ka warbixiyay shaqadan saaka bilaabantay, ayaa Sheegtay in Shaqadan socon doonto muddo labaatan cisho ah, isla markaana shaqaalaha oo qeybsan ay Magaladda Burco xaafadaheeda kala duwan ayaa saaka wada galeen, iyadoo ay shaqalahaasi keeni doonaan xog dhameystiran.

Agaasime Ku Xigeenka Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Nasra Maxamed Muuse Ayaa iyana dhinaceeda kula dardaarantay shaqaalaha shaqan qabanaya in ay wakhtiga shaqada ilaaliyan isla markaana ay Muujiyaan Hawl karnimo Wayn.

ALLAA MAHAD LEH
DHAMMAAD
XAfiiska Warbaahinta Ee Wasaarada Hawlaha Guud.