Waxa Si Rasmiya Xilkii Loogu Kala Wareejiyey Iskuduwayaasha Cusub Ee Loo Magacaabay Goboladda Awdal, Gabilay Iyo Saaxil.

Waxa Si Rasmiya Xilkii Loogu Kala Wareejiyey Iskuduwayaasha Cusub Ee Loo Magacaabay Goboladda Awdal, Gabilay Iyo Saaxil.

 

Ugu horayn Munaasibadan Xilwareejinta Ah Ayaa Kala Kala Qabsoomay Goboladda Awdal, Gabilay Iyo Saaxil Oo Dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Umagacaabay Iskuduwayaal Cusub Dhamaan Goboladaas Kor Ku Xusan.

 

Iskuduwuhii Hore Ee Wasaaradda Ee Gobolada, Gabilay, Awdal Iyo Saaxil Ayaa Munaasibadahaa Ka Jeediyey Hadalo Mahadnaq Ah. Iyagoo Si Isku Mid Ah Ugu Mahadceliyey Dhammaan Madaxdii Ay Soo Wada Shaqeeyeen Iyo Dhamaan Shaqaalaha Wasaaradaha Ee Goboladii  Gabilay, Awdal Iyo Saaxil Ee Ay Masuulka Ka Ahaayeen.

 

Martisharaftii Kale Ee Kasoo Qeybgashay Madalii Ay Xilka Ku Wareejinayeen Iskuduwayaasha Cusub Ee Loo Magacaabay Goboladda Awdal, Gabilay Iyo Saaxil. Ayaa Dhamaantood Si Iskumid Loosoo Dhaweeyey, Munaasibadahaa Loo Qabtay Qabtay Iskuduwayaasha Xilalka La Wareegay Ayaa Qaarkood Waxa Ka Qeybgalay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Adaan Yuusuf, Agaasime Waaxeedo Wasaaradda Ka Tirsan Iyo Madax Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.


ALLAH MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime ku xigeenka Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.