Hawlwadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Maanta Loo Furey Tababar ku Saabsan Dastuurka Iyo Waddaniyadda.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Iyo Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Ayaa Si Wadajira Tababarkan Ku Saabsan Dastuurka Iyo Waddaniyadda Ugu Furay Hawlwadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Ugu horeyn Waxa Tobabarkaas Ka Hadlay Agaasimaha Waaxda ICT-ga Umalkhayr Suldaana Aadan Oo Ku Hadlaysa Afka Shaqaalaha Tobabarkan Qaadan Doono, Iyadoo Balan Qaaday Haday Yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Inay Ka Faa’ideysan Doonaan Tobabarkan Mudada Uu Socodo, Dhinaca Kalana Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Mudane Jamaal Ibaarahim Muuse Ayaa Isna Dhinaciisa Xusay Inay Halkan Ku Dhanyihiin Dhammaan Shaqaalihi Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Dhamaan Agaasime Waaxeedo, Agaasime Ku Xigeeno, Madaxqeybeedo Iyo Shaqaalihii Kalaba, Isla Markaana Ay Diyaar Uyihiin Inay Tobabarkan Ka Faa’ideystaan, Isagoo Dhankiisana Umahadceliyey Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka Oo Tobabarkan Bixin Doonta.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Ayaa Sheegay In Ujeedada Ay Ka Leeyihiin In Shaqaalaha Dawladda Baraan Dastuurka Iyo Waddaniyadu Ay Tahay Inay Ku Dhaqmaan, Isla Markaana Ku Dabaqaana Shaqooyinka Ay Hayaan, Dadweynaha Ay U Adeegayaan Ay Garanayaan Xaqa Ay Ku Leeyihiin. Shaqaaluhna Fahansanyihiin Shuruucda Dastuurku Siiyey Wasaaradda Ay Joogaan Ee Ay Ka Hawlgalaan Qof Kasta Oo Shaqaale Ahi.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Wasaaradda Kula Dardaarmay Inay Ka Faa'idaystaan Tababarkaas Mudada Uu Socdo. Isagoo Wasiirku Xusay In Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ay Tahay Hay’adaha Dawladeed Ee Dastuurka Lagu Sheegay, Isla Markaana Xeerar Gaara U Ah Wasaarada Maanta Dastuurka Laga Soo Dheegay Oo Wasaaradu Ku Shaqeyso. Taasna Maanta Farxad Utahay In Shaqaalihi Wasaaradda Lagu Tobabarayo Dastuurkii Iyo Xeerarkii Kale Ee Wasaaradu Ku Hawlgalaysay.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.