Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Ka Qeybgalay Dayactirka Iyo Dib Udhiska Dugsiga Farsamadda Gacanta Ee Magaaladda Hargeisa.

Munaasibadan Maanta Dib Loogu Dhisayey Dugsiga Farsamadda Gacanta Ee Magaaladda Hargeisa Ayaa Ka Qabsoontay Xarunta Dugsigaa, Waxaana Kasoo Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Aadan Tiiriye Toorno, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaradda Hawlaha Guud Eng. Maxamed Axmed Xuseen, Agaasime Waaxeedo Kasoo Socday Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska Iyo Maamulka Dugsiga Farsamadda Gacanta Ee Magaaladda Hargeisa.

Dib Udhiskan Iyo Dhismahan Cusub Ee Maanta Lagu Sameynayo Dugsiga Farsamadda Gacanta Ee Magaaladda Hargeisa Waxa Maalgalinaysa Hay’adda GIZ, Iyo Dhinaca Kale Dib Udhiskan Iyo Dhismahan Cusub Ee Dugsigan Ay Gacanta Ku Hayn Doonto Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu.

Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Aadan Tiiriye Toorno, Masuuliyiin Ka Socotay Hay’adda GIZ, Iyo Madaxda Wasaaradda Waxbarashadda Oo Madasha Ka Hadlay Ayaa Bogaadiyey In Maanta Dayactirka Iyo Dib Udhis Lagu Sameyn Doono Dugsiga Farsamadda Gacanta Ee Magaaladda Hargeisa. Iyagoo Sheegay Inay Bulsho Faro Baddan Ka Faa’ideysan Doonaan Marka Uu Dhamaado.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Isna Dhinaciisa Umahadceliyey Hay’adda GIZ, Isagoo Dhinaca Kale Xusay In Wasaaradda Hawlaha Guud Ay Kasoo Bixi Doonto Masuuliyadda Ka Saaran Dhismahan, Oo Ah Inay Ilaaliso, Baqdqabka Dhismaha Iyo Tayadiisa Inta Uu Socdo, Isoo Dhinaca Kale Agaasimuhu Sheegay In Wasaaradu Sameysay Naqshada Dhismaha Dugsigan, Isagoo Xusay In Dugsigan Ka Koobnaan Doono 30 Galaas, Isla Markaana Yahay Dhisme Dabaq Ah Oo Qurux Iyo Bilc Yeelan Doona, Isla Markaana Ku Haboon Deegaan Waxbarasho.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.