“Waxa Naga Go’an Inaanu Diyaarino Dhulkii Ay Dagi Lahaayeen Warshadaha Dalku” Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Saaka Ka Qeybgalay Shir Lagaga Tashanayey Qabyoqoraalka Xeerka Horumarinta Warshadaha.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd Wadatashiga qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha kasoo lagu gorfaynayo sidii uu u nooqon lahaa Xeerka midha-dhala oo dalka iyo dadkaba anfacaya.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Madasha Ka Hadlay Ayaa sheegay In Xeerkan Yahay Mid Dalka Wax Weyn Utaraya, Sidoo Kalana Ka Wasaaradda Hawlo Guud Ahaan Ka Go’antahay Inay Diyaariyaan Dhul Warshadeed Oo Dalku Yeesho, Isagoo Bogaadiyey Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Oo Muddo Badan ka shaqaynaysay Hirgelinta Xeerka Hormarinta Warshadaha.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/