Wasiirka Wasaaradda Oo Shirgudoomiyey Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Qabsoomay.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Shirgudoomiyey Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo  Qabsoomay.

Shirkan waxa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo ay goobjoog ka ahaayeen, Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Dhamaan Agaasime Waaxeedada, Iyo Agaasime Ku Xigeenada, shirkan ayaana ka qabsoomay Hoolka Shirarka EeWasaaradda.

Shirkan ayaa ahaa Fadhigii 77-aad ee sannadkan 2023 ee ay yeeshaan Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta waxaana lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, sidii degdeg loogu bilaabi lahaa
Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa. iyadoo aad loogu lafo guray in la bilaabo markay Bishan Barakaysan ee Ramadaan dhamaato.

Sidoo kale waxa warbixin laga dhagaystay Waaxda Guryaha oo ka warbixisay halka ay marayso kiro ururinta Guryaha Dawladda, Bakhaaradda, Kaalamaha Dawladda leedahay ee Shidaalka, iyo Meheradaha Dawlada, iyadoo dhinaca kale laga dooday halka ay marayso diwaangalinta Hantida Maguurtada Dawladu.

ALLAA MAHAD LEH
DHAMMAAD