Wasiirka Wasaaradda Ayaa Shirgudoomiyey Shirka Ay Si Wada Jira Uyeesheen Gudiyada Naqshadeynta Qaranka Iyo Gudida Fulinta Siyaasadda Maamulka Dhulka.


Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shirka Ay Si Wada Jira Uyeesheen Gudiyada Naqshadeynta Qaranka Iyo Gudida Fulinta Siyaasadda Maamulka Dhulka.

Kulanka Saaka Waxa Goobjoog Ka Ahaa Dhamaan Xubnaha Gudida Naqshadaynta Qaranka, Iyo Gudida Fulinta Siyaasadda Maamulka Dhulka Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Labadaa Gudi Ahna Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoajiyada Dr. C/wali Sheekh Abdilahi Suufi Jibriil, Agaasimaha Guud Ee Macdanta Iyo Tamarta, Wasiirka Deegaanka Iyo Isbadelka Cimiladda Marwo Shukri Ismaaciil Baandare, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Beeraha Marwo Yurub Abiib, Wasiirka Xanaanad Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Albaani. Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge, Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf.

Intii uu socday Shirka Labaddan Gudi waxay dood ka yeesheen Galdaloolooyinka Xeerka Maamulka Dhulka. Caqabadaha Naqshad la’aanta iyo Qorshaha Beeraha is wada khilaafsan, sidoo kale waxa Warbixin laga dhagaystay Eng. Khadar Daahir oo ku saabsanayd Soo-jeedimaha Warbxinta QorshahaFulinta Siyaasadda Maamulka Dhulka, sidoo kale waxa Warbixin ku saabsan Nashqadaynta Magaalada Burco (Burco Master Plan) laga dhagaystay Agaasimaha Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. C/raxmaan Maxamed Aar.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib Gudida Naqshadeynta Qaranku, qodobadii ay soo saareen waxa si rasmiya ugu dhawaaqay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Qodobadan oo kala ahaa.

1. Gudidu waxay go’aamisay in lasii wado xayiraaddii saarnayd Qorshaynta Beeraha iyo Bixinta Dhulka Magaalooyinka aan Qorshe Magaaleed (Master Plan) lahayn ee kala ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, ilaa inta Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryeyntu usameysnayso Qorshe Magaaleed ‘’Master Plan’’.

2. Gudidu waxay go’aamisay in Maayirka Caasimadda Hargeysa horkeeno Gudida Naqshadeynta Qaranka Maps-kii Beeraha Ee Dawladda Hoose ee Hargeysa baadhitaanka ku sameysay. Isla markaana shirkaas ka dhaco Wasaaradda Arimaha Guduha, Maalinta Axadda ee Taariikhdu tahay 09/10/2022.

3. Gudidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Sidoo kale dhammaam Magaalooyinka Dalka waxa mamnuuc ka ah bixinta Degsiimada Dhulka jeexjeexyada, Dooxyada iyo Babacyada ah sida ku cad Xeerka Maamulka Dhulka ee Xeer. No.17

4. Gudidu waxay go’aamisay In Qorshe Qaran laga yeesho Taawaradda dhexdaadsan Magaalooyinka, kulan gaar ahna yeeshaan Golayaasha Deegaankaa Iyo Wasaaradda IsgaadhsiintaIyo Tiknoolajiyada si loogu diyaariyo goobo ku haboon.

5. Gudidu waxay ay go’aamisay in waddo cabirkeedu yahay 12-m ay u dhaxayso madaha ‘’xuduuda’’ labadii Beerood ee iskuxigaba Dalka oo dhan. Waxaan loo xilsaaray Wasaarada Beeraha iyo Badhsaabadda Goboladda

6. Waxaa laysla qaatay in si ah dhakhso loo magacaabo Guddida farsamada ah (Technical Working Group) ee fulinta Siyaasada Maamulka Dhulka si ay u hawl galaan.

7. In Wasaaradda Beeruhu soo saarto habraaca Beeraha iyadoo raacaysa xeerka Beeraha.

8. In wiig gudihii lagu magaacabo, kuna hawl-galaan Guddida Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka, sidoo kale in xeer nidaamiyaha No.14 ee Guddida ku hawlgasho lagu sameeyo kaabis iyo wax kabedel.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ