Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Ayaa Maanta Xilkii Agaasime Guud Ukala Wareejiyey Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Wasaaraadda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

Munaasibada Xilwareejinta Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Wasaaraadda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
.............................................................................................................................................................................................................................

Waxa xafladan ka soo qayb galay shaqaale waynaha wasaarada, sidoo kalena, xildhibaano, Wasiirda Wasaaradaha Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Iyo Dastuurka Iyo Xidhiidhka Golayaasha, Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawladda, Gudoomiye ku xigeenka Commission-ka Maamul Wanagaa, Iyo marti sharaf kale oo aad ubadnayd.

Ugu Horeyn Agaasimaha Cududa Shaqlaaha Mr. Yuusuf Siciid Axmed Iyo Ubax oo hadalka iska dabo marey ayaa si weyn usabootiyey Agaasimihii hore Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur, Iyagoo ka marokacay halkarnimadi, shaqo wanaagi iyo hufnaantii uu muujiyey Agaasimahaa hore, halka ay soo dhaweeyeen Agaasimaha Cusub Dr, Jamaal Cabdi Muuse.
Agaasimihii hore Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur ayaa ka waramay intii uu joogay waxa Wasaaradda uqabsoomay, isagoo faahfaahin dhameystiran ka bixiyey Waxqabadadii ay Wasaaradda muujisay inuu uu joogay, Wuxuu Agaasimaha Cusubna kusoo dhaweeyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa codsay inuu loogu duceeyo xilka uu maanta la wareegayo, wuxuuna Umahadnaqey Madaxweynaha JSL oo xilkan ugartay, sidoo kale wuxuu balanqaaday inuu shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud si wacan uwada shaqeyn doonaan.
Wasiirka Dastuurka Iyo Xidhiidhka Golayaasha, Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawladda, iyo Gudoomiye ku xigeenka Commission-ka Maamul Wanagaa ayaa oo hadalka iska dabo marey ayaa soo dhaweeyey Agaasiamaha Cusub halka Agaasimihii horena si qurux badan usabootiyey isla markaana uduceeyey.

Wasiirka Wasaaradaha Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiwali Sh. C/laahi Suufi ayaa labadan Agaasime Guud xilka ukala wareejiyey ayaa umahanqey Wasiirka Hawlaha Guud oo usoo wakiishay inuu xilkan maanta isagu kala wareejiyo, wuxuuna bogaadiyey shaqaalihi Wasaaradda Hawlaha Guud ee qabtay shaqooyinka maanta halkan laga sheegay, wuxuu sabootiyey Wasiirku Agaasimihii hore halka uu soo dhaweeyey Agaasimaha Cusub.

Ugu Danbeyn Wasiirka Wasaaradaha Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiwali Sh. C/laahi Suufi ayaa xilkii ukala wareejiyey labada Agaasime Guud, waxaan shahaadyo sharafyo la gudoonsiiyey Agaasimihii hore Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ