Wasiirka Hawlaha Guud Wuxuu Dhamabaal Tacsi Ah Udirayaa Marxuum Saxardiid Raage Khayre

TACSI WASIIR: 11/03/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa, Iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Saxardiid Raage Khayre  oo geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 11/03/2021.

Wasiirku waxa uu marxuumka ku sifeeyey odey mudakara oo kamid ahaa shaqaalihii ugu firfircoonaa ee Wasaaradda Hawlaha Guud, wuxuu shaqaalaha Hawlaha Guud noqday 1947, isagoo xilal kala duwan kasoo qabatay intii Magaca Wasaaradda Hawlaha Guud noqotay wakhtigii 1960, intii la iskugu jirey Somaliya, iyo ilaa intii Somaliland lagu dhawaaqay iyo ilaa hadda oo uu ahaa shaqaale Wasaaradda ah. Iyo ka hor gumeystihii Ingiriiska oo ahaa shaqaalihi Hawlaha Guud.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhamaan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ