Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah C/qaadi Ibrahim Saalax "Jiifka" Iyo Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray).


TACSI WASIIR: 22/03/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ductile Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah C/qaadi Ibrahim Saalax "Jiifka" Iyo Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) oo saaka labadooduba ku geeriyooday Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Wasiirku labada marxuum ku sifeeyey odayaal xilkas ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi wuxuu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ