Wasiirka Hawlaha Guud Oo Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimaha Guud Ee Hore Iyo Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Oo Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimaha Guud Ee Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyo Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta ee Dhawaan Madaxweynaha Somaliland Usoo Magacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa Maanta Si Rasmi ah Ugala Wareegay Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe.

Munaasibadan Xilwareejinta Oo Ka Qabsoontay Hotel Baraar ayaa ahayd Mid aad U bilan oo Si Heer Sare ah loo Soo Agaasimay, Waxaana ka soo Qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Biyaha, Gaashaandhiga Iyo Shaqo-Galinta, Madaxda Wasaaradda, Iyo Hay`adaha La Shaqeeya Wasaaradda, Maamulka iyo Shaqaala Weynaha Wasaaradda, Sidookale Masuuliiyiin iyo Marti Sharaf Ka kala Socday Hay`adaha Dawliga ah iyo Ururada Kala Gedisan ee Bulshada.

Agaasimihi Guud Ee Hore Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe oo madasha ka hadlay ayaa umahadceliyey Maamulka Wasaaradda, Wasiirka, Wasiir Ku Xigeenka Iyo Dhamaan Shaqaalihi Wasaaradda Ee Sida Wanaagsan Ula Shaqeeyey, Isagoo Ka Codsaday Dhamaan Shaqaalaha Sidii Isaga Ula Shaqeeyeen Iyo Si Kasii Wangsan Inay Ula Shaqeyn Doonaan. isla Markaan Ku Garabgalaan Shaqadda Wasaaradda.

Agaasimaha C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Si Guud Mara Uga Waramay Wixii Uqabsoomay, Isagoo Xusay Mashruuca Hantida Maguurtadda Ee Hadda Socda, Fulintii Mashruuci Qorshe Magaaleedyadii Magaaladda Boorama, Xariirad, Iyo Balligubadle, Mashriicda Kaabayaasha Dhaqaalaha Ee Hirgalay Intuu Joogay Iyo Ku Guuleysiga Qaab Dhismeedka Wasaaradda. Agaasime C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Urajeeyey Agaasimaha Cusub Shaqo Wangsan Iyo Mashaariicdi Socday Inuu Sii Anbo Qaado.

Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Ugu Horeyn In Loogu Duceeyo Shaqadan Culus Ee Uu Maanta La Wareegayo, Wuxuuna Bogaadiyey Shaqadii Agaasimihi Ka Horeeyey Soo Qabtay, Isagoo Hoosta Ka Xariirqey Wixii Itaalkiisa Ah Inuu Ku Biirinayo Shaqo Wanaag Iyo Toosnaa, Isagoo Shaqaalahana Ka Codsaday Inay Si Wanaagsan Oo Hagar La’aana Ula Shaqeeyaan.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Muane Maxamuud Warsame Jaamac Isagoo Xusay In Agaasimihii Hore Ahaa Agaasime Ay Iyagu Shakhsiyan Saaxiib Ahaayeen, Hore Shaqo Waadag Ahaayeen, Wuxuu Uga Mahadceliyey Intuu Qaranka Usoo Shaqeeyey, Usoo Urajeeyey Xil Kan Ka Sareeya, Isagoo Dhinaca Kalana Soo Dhaweeyey Agaasimaha Guud Ee Cusub, Una Rajeeyey Inuu Alle Ku Asturo Shaqadda Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Usoo Magacaabay.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Agaasimihi Guud Ee Hore Sagootin Duco iyo Dardaaran Ah Ujeediyey, Kana Marikacay Shaqadii Baaxda Lahayd Ee Uu Soo Qabtay, Isagoo Ku Sifeeyey Masuul Kasoo Baxay Shaqadii Qaranka Uhayey Mudadii Agaasimaha Ahaa, Dhinaca Kalana Wuxuu Soo Dhaweeyey Agaasimaha Guud Ee Cusub, Isagoo Urajeeyey Inuu Shaqada Halkaa Kasii Wadi Doono Meel Fiicana Gaadh siin Doono. Xilkana Ugu Duceeyey Inuu Alle Ufudeydiyo, Kuna Soo Dhaweeyey Wasaaradda Isku Duuban Maamulka Ilaa Shaqaale Hooska.

Ugu Danbeyn Wasiir C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimihi Guud Ee Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Iyo Agaasimaha Guud Ee Cusub Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD