Wasiirka Hawlaha Guud oo tacsi udirey qoyskii uu ka baxay xisaabiyihii hore ee Wasaaradu


TACSI WASIIR: 27/06/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, bahda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta meel ay joogaanba Iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum C/salaan Sheekh Barkhad Cawaale oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 27/06/2021 Magaaladda Hargeisa.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ku sifeeyey odey mudakara, ahaa Xisaabiyihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, sidoo kale ahaa ragii ahaa xisbaayihaashii ugu fiican wakhti sideedtamaadkii, isagoo kasoo hawlgalay kana soo shaqeeyey baddi dalkii la isku odhan jirey Somaliya.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, bahda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta meel ay joogaanba Iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ