Wasiirka Hawlaha Guud Oo Maalintii Kowaad Ee Ololaha xisbiga Kulmiye Kala Qeybgalay Dadweynaha Degmadda Wadaamo'goo.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Maalintii Kowaad Ee Ololaha xisbiga Kulmiye Kala Qeybgalay Dadweynaha Degmadda Wadaamo'goo.

Dadweynaha Magaalada Wadaamo-goo waxay soo bandhigeen dhoolla-tus ballaadhan ay ku muuninayeen taageeradda ay uhayaan musgrixiinta Xisbiga Kulmiye ayaa fagaaraha khayriyada ee magaalada iskugu soo baxay, halkaas kumanaan ka mid ah taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ayaa socod lug ah ay ku wareegeen waddooyinka kala duwan ee magaalada, iyagoo kadibna u galbiyey dhinaca fagaaraha khayriyada oo ahayd goobtii loogu talogalay in lagala hadlo taageerayaasha.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Xidhiidhka Golayaasha Iyo Distoorka, Cadaaladda Iyo Garsoorka, Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Xisbiga Kulmiye Ah.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu sheegay dadweynaha Degmadani ay mucaarad la ahaayeen mudo baddan Xisbiga Kulmiye, oo aanay marnaba meel kala tagin, maantana muxaafad la yihiin, wuxuu ka codsaday inay ucodeeyaan musharixiinta Xisbiga ee ka sharaxan Degmadan iyo Gobolka Sool-ba.

Wasiir Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in dhina kale bogaadiyey bulsho weynta Degmadan, isagoo sheegay in lagu yaqaano soo dhaweyn, sharaf, Gobonimo, yihiina rukumadda Xisbiga Kulmiye ee uu ku faano.


ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ