Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta

Shirkii Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Oo Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda.

Xarunta Wasaaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta waxa saaka ka qabsoomay shirka shaqaalaha Wasaarada oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Mudane C/laahi Abokor Cismaan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradu Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, waxaana si rasmi ah u furay Shirkani Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Mr. Jamaal Colaad.

Shirkani ayaa dib loogu eegayey Waxyaabihii ka qabsoomay qodabadii laysla qaatay shirkii kan ka horeeyey waxaana si rasmi loo gudo galay in shaqaalaha la dhagaysto, oo xubnihii shaqaalaha ahaa ee saaka shirka kasoo xaadirey qeybo kamida fikirkooda iyo rayigooda la dhagaystay.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in shirkan joogto noqon doono, wuxuu shaqaalaha ku wargaliyey in qof kasta lagula xisaabtami doono shaqooyinka kala duwan ee loo dhiibay, sidoo kalana wuxuu balan qaaday in qodobadii kasoo baxay shirkan ee shaqaalaha Wasaaradu soo jeediyeen uu kula xisaabtami doono dhamaan Agaasime Waaxeedyada ay khuseyso, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyey in horusocod iyo shaqo wadaag lala yimaado, shaqada Wasaaradu Qaranka uga wakiilka tahayna aynu kasoo baxno, dhamaan xilka wadasaaran shaqaalahan Alle ku asturo.

Gabagabadii Kulankan waxa soo afmeeray Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/Laahi Abokor Cismaan, wuxuu shaqaalaha usheegay in xiligan la joogo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradu isku rogeen wada dhalinyar, taasna tahay imtixaan dhallinyaro ahaan iyo shaqaale ahaanba lagu eegayo, wuxuu shaqalaaha faray in qof kastaa shaqada uu Wasaaradda ka hayo iyo booska uu joogaba shaqada laga rabo kasoo baxo, shaqadana si wadajira oo walaaltinimo ah loo wada shaqeeyo.

Gunaanadkii shirkan oo ahaa mid wakhti dheer iyo dood badan qaatay kadibna waxaa laysla qaatay sii dar dar galinta hawlasha shaqo ee ay wasaaradu u xil saaran tahay.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda