Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Oo Kulan Gooni Gooni Ah La Qaatay Dhamaan Agaasime Waaxeedyada Wasaardda

Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Saaka Shir Gaar-gaar Ah Lagalay Dhamaan Agaasime Waaxeedyada Iyo Shaqalaaha Waaxyaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Guryeynta.

Wasiirka Wasaardda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa saaka shirar gooni-gooni ah dhamaan Agaasime waaxeedyada Wasaradda Iyo shaqaalah waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda ku qoran.

Ugu horrayn dhamaan Agaasime Waaxeedada ayaa mid kastaa waaxdiisa ka warbixiyey wixii uqabsoomay, xaaladad shaqaalaha Agaasime waaxeed kasta xafiiskiisa ku qoran, qaabka uu shaqada ugu layliyo, shaqada hadda taagan iyo waxa uqorsheysan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Gueyeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa waaxihi kal duwanaa ee ay la kulamayeen ka warbixinayey shaqooyinka lasoo kordhin doono oo ay hadda waaxaha gaar gacanta ku hayaan isla markaan dadweynaha maalmaha soo socda ay la wadaagi doonaan. dhinaca kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay dib uhabeyn weyn ku sameeyeen hanaanka heshiiska loola gali shirkadaha dhismayaasha, iyo sidoo kale qaabkood wada shaqeyneed,

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa Agaasime Waaxeedada ku wargaliyey inay dib uhabeyn weyn ku sameeyaan shaqooyinkooda lixbiloodkan danbe ee sannadkan 2021, iyo in Wasaaradu iyo hawlwadeenadeeduba bulshada ugaadhsiin lahaayeen adeegyada kala duwan ee Wasaaradu Qaranka ugu xilsaanatahay.

Wasiir C/rashii Xaaji Ducaale Qambi ayaa Waaxaha ku taxaluqa dhulka si weyn ugu soo jeediyey in il dheeriya uyeeshaan dhulka Danta Guud, Gobol, Degmo Iyo Tuulo kasta oo Dalka dhamaantiiya, wuxuuna dhamaan Waaxaha ku booriyey in la iskula xisaabtami doono dhamaan qorshayaashi kala duwanaa ee waaxuhu soo gudbiyeen ee udajisanaa lix biloodkii uhoreeyay sannadkan oo hadda gabogabo ah, waax kastaana soo gudbiso warbixintii lixdaa bilood.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ