Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Tacsi Udirey Qoyskii Iyo Qaranka Somalilind Ee Ay Ka Baxday Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye.


TACSI WASIIR: 02/12/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa, Iyo kan Shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxmauud Diiriye oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/12/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxa uu Wasiirku si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland. kana mid ahayd haweenka qarankan uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay siyaasada iyo arrimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey.

Waxaanu Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/