Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Waxa Uu Wareegto Wasiir Ku Magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Waxa Uu Wareegto Wasiir Oo Summadeedu Tahay JWHG/DH&G/XW/116/2021, Uu Ku Magacaabay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynt JSL.
Wareegtada Wasiirka Ayaa Udhignayad Sidan.

Ujeedo: Magacaabid Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha

Markaan arkay aqoonta, xirfada iyo waayo aragnimo Jamaal ibraahim Muse Xayd isla markaana tixgeliyey baahida loo qabo dardar gelinta shaqada culus ee ka socota Waaxda Cududa Shaqaalaha ee WHG/DH/Guryeynta.

Haddaba markaan ku qancay aqoonta iyo waayo aragnimada aad u leedahay shaqada Cududa Shaqalaaha waxaan kuu Magacaabay inaad noqoto Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee WHG/DH/Guryeynta, laga bilaabo maanta oo ay tariikhdu tahay 26/02/2021.

Sidaa darteed waxaa la farayaa agaasimihii hore ee waaxda Yuusuf Siciid Axmed inaad si deg deg ah ugu wareejiyo shaqadii aad gacanta ku haysay masuulka sare ku xusan ee aan u magaacabay Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaarada Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyeyna.

Waxaan madaxda kor ku xusan ku wargelinayaa inay ku garab galaan shaqada Waaxda Cududa Shaqaalaha Jamaal ibraahim Muse Xayd.

Allah Mahad leh

C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi
Wasiirka WHG/DH/Guryeynta JSL.