Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Dhambaal Tacsi Ah Udirey Suldaanki Guud ee Somaliland Oo Caawa Geeriyooday.

TACSI WASIIR: 12/02/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee  Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ