Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Magaaladda Laascaanood Kaga Qeybgalay Xuska 60 Guurada Munaasibada 26 June 1960-kii

 

Waftigii Ka Qeybgalay Xuska sannad guuradda 60-aad ee Munaasibada 26 June 1960-kii Markii Ay Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo uu hogaaminayey Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Macdanta Iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshadda.

 

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ugu horeyn hambalyo u diray dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland gaar ahaan dadweynaha reer Laascanood munaasibada sanad-guurada 60-aad ee kasoo wareegtay munaasibadda 26-ka June ee sanadkii 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska , taas oo cawa ku beegan.

 

Wasiirka ayaa ka sheekeeyey Taariikhdii Somaliland loosoo marey, halkay ka timid, taariikhdii lixdankii, gobanimadi luntay 1960-kii, Somaliland dhibtii ay ka dhaxashay 30-kii sanno ee Somaliya ku jirtay, guusha ay maanta gaadhay Somaliland 30-kan ayaa maanta gaarka utaagantahay.

 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
 

DHAMMAAD