Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Si Raamiya Maanta Xadhiga Uga Jaray Biriijka Shariif Cali Ee Magaaladda Gabilay.

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Si Raamiya Maanta Xadhiga Uga Jaray Biriijka Shariif Cali Ee Magaaladda Gabilay.

Xadhiga ka jarka Mashruucan waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Isgaadhiisnta Iyo Tikjooljiyadda Mudane C/wali Sheekh C/laahi Suufi Jibriil, Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Mudane C/laahi Faarax, Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada, Badhasaabka Gobolka Gabilay Mudane C/qani Jiidhe, Maayirka Degmadda Gabilay Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi Iyo siyaasiyiin kala duwan, odoyaasha Magaaladda Gabilay, martisharaf faro baddan iyo dadweyne kala duwan. Kale.

Maayirka Degmadda Gabilay Iyo Badhasaabka Gobolka Gabilay ayaa bogaadiyey Wasaaradda Hawlaha Guud oo inay Mashruucan Birjiinkan ka fulisay Magaaladda Gabilay, iyagoo sidoo kale uga mahadceliyey inay Wasaraadda Hawlaha Guud lacagtiisana bixisay, waxaanay bogaadiyeen hawlwadeenada Wasaaradda ee in baddan kusoo jirey inuu hirgalo mashruucan.

Wasiirka Isgaadhiisnta Iyo Tikjooljiyadda Mudane C/wali Sheekh C/laahi Suufi Jibriil, Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Mudane C/laahi Faarax, Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada ayaa iyaguna dhinacooda si mideysan ubogaadiyey Wasaaradda Hawlaha Guud ee Mashruuca Baaxada inta leeg Magaalada Gabilay ka fulisay, waxayna sheegeen inuu weyb laxaad leh ka qaadan doono isku xidhka iyo isku socoda magaaladda oo markii hore ku jirtay godoon labo dhinac ah.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan maanta faraxd weyn utahay inay xadhiga ka jaraan goobta ka mashruucan weyn ee Biriijka Qalax oo muddo baddan Wasaaradda Hawlaha Guud ay soo waday, isagoo Wasiirku ka waramay qeybihii kala duwanaa ee mashruucan soo maray, sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyey Dawladda Hoose ee Degmadda Gabilay qeybtii ay ka qaadatay hirgalinta mashruucan

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD