Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Kulan La Qaatay Golaha Deegaanka Degmadda Laascaanood

Kulanka Ayaa Daba Socday Sidii Wasaaradda Hawlaha Guud Dantii Guud Ujari Lahayd Isla Markaana Lookala Saari Lahaa Wixii Dadku Lahaa Iyo Wixii Dawladu Lahayd, Iyadoo Injineero Ka Socda Wasaaradda Hawlaha Guud Hawshaa Dhameystirkeeda Ujoogi Doonaan Degmadda Laascaanood Muddo Bil Ah.

 

Xildhibaanad Degmadda Laascaanood Ayaa Bogaadiyey Hawshan, Waxaanay Soo Dhaweeyeen Hawshan Wasiirka Iyo Wasaaradiisu Wadaan, Dhinaca Kale Maayirka Degmadda Laascaanood Iyo Badhasaabka Sool Ayaa Iyaguna Dhinacooda Umahadceliyey Golaha Deegaanka Degmadda Una Soo Jeediyey Inay Hawshaa Si Weyn Ugala Qeyb Qaataan.

 

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Sheegay In Injineero Wasaaradda Hawlaha Guud Ka Socdaa Hawsha Bilaabayaan, Wuxuuna Xildhibaanad Ka Codsaday Inay Hawshaa Kala Shaqeeyaan Isla Markaana Ay Wacyigaliyaan Dadka.

 

Wasiirka Kulankan Uu La Qaatay Golaha Deegaanka Degmadda Laascaanood Waxa Ku Wehelinayey Agaasimaha Waaxada Qorsheynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Masuulka Wasaaradda Uqaabilsan Mashruuc JPLG, Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool.

 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD