Wasiirka Hawlaha Guud, a Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi yaa Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiiladda Usoo Jeediyey Inay doortaan Pro. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiiladda Usoo Jeediyey Inay Gudoomiyaha Golahaas Udoortaan Pro. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

27-06-2021 Boorama "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiiladda Usoo Jeediyey Inay Gudoomiyaha Golahaas Udoortaan Pro. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Bogaadiyey Madaxweynaha, Dawladda, Shacabka, Xisbiyada Mucaaradka Iyo Cid Kasta Oo Ka Qeybqaadatay Doorashiid Waanagsanyd Ee Inoo Dhacday, Wuxuuna Hamabalyeey Xildhibaanada Soo Baxay Ee Ku Guuleystay Kuraasta Golaha Wakiiladda Somaliland.

Wasiir Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ka Sheekeyey Tanaasulki Badnaa Ee Xubno Haldoorka Gobolka Sool Utanaasuleen Pro Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Hanka Musharaxnimadda Golaha Baarlamanka, Kuwaas Oo Ay Kamid Yihiin Ex Wasiir C/rasaaq Ataas, Ex Wasiir Casoowe, Odey Cali Baashe, Iyo Rag Kalaba, Kadib Isqancin Iyo Isku Tanaasul Kadib Ayey Odoyaashi Ku Tanaasuleen.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Talo Waayeelnimo, Odeynimo Usoo Jeediyey Xildhibaan C/rasaaq Khaliif Axmed, Wuxuu Xasuusiyey Kaalinta Waalidnimo Ee Faratoon Ugu Toosanyahay, Wuxuu Xasuusiyey Sida Uu Uga Aqoon Badanyahay, Uga Khibrad Badanyahay, Wuxuu Usheegay In Haddu Ka Joogsan Waayey Markuu Doonayey Xildhibaanimada Inuu Maanta Ka Joogsado Inuu Adeerki La Tartamo, Wuxuu Usheegay Inuu Fursad Haysto.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Gudoomiyayaasha Mucaaradka Usoo Jeediyey Inay Gudoomiye Ka Dhigaan Kii Somaliland Wax Uqabtay, Somaliland Taariikhdeeda Wax Ka Ogaa, Garanaya Halkay Somaliland Ka Timid, Isla Markaana Isku Wadi Karaya Dadkeeda.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ