Wasiirka Hawlaha Guud, Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Hamabalyo Udirayaa Dhamaan Shacbiweynaha Reer Somaliland Munaasadda 26June.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa Iyo Kan Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Wuxuu Hamabalyo Udirayaa Dhamaan Shacbiweynaha Reer Somaliland Munaasad 61-guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Jamhuuriyadda Somaliland Xorriyaddeeda Ka Qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi wuxuu ugu horeyn uduceynayaa intii udagaalantay in xoriyada la helo 1960-kii, Alle wuxuu uga baryey inuu ka abaal mariyo, sidoo kale wuxuu meel ka dhac ku tilmaamay in maanta koonfur udabaaldagto 26 June, isagoo sheegay inaanay jirin meel ka dhac weyn.


Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinti xiligaa ay goosteen inay la midoobaan Somaliya 1960, laakiin Barakicin, tacadi iyo xasuuq loo gaystay ka dib, Somaliland in xoriyadeeda dib ula soo noqatay 18kii May 1991. isoo Wasiirku Ilaahay ugu mahadnaqey in maanta daweynuhu u noolyihiin si xor ah, nabadgalyo iyo dowladnimo buuxdana haysano, maalgashi iyo horumar balaadhan uu dalkeena ka hirgelay.



Wa-bilaahi Tawfiiq


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.


DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ