Wasiirka Hawlaha Guud Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Baaq-nabadeed Udirey Beelaha Walaalaha Ah Ee Ku Dagaalmay Deegaanka Dhabar Dalool.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Baaq Nabadeed Udirey Beelaha Oodwadaagta Ah Ee Ku Dagaalamay Deegaanka Dhabar Dalool Ee Degmadda Xudun.

17-04-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qalbi Ayaa Baaq Nabadeed Udirey Labadda Ardaa Ee Walaalaha Ah Ee Ku Dagaalamay Deegaanka Dhabar Dalool Ee Degmadda Xudun.

Wasiirka ayaa sheegay inaan loo dul qaadin karin in dhiig muslimiin ahi uu si dhibyar iskaga daato, waxaanu sheegay in aanay suurogal ahayn in labadda beelood la kala raro balse ay isku qasban yihiin, inay ku heshiiyaan dantoodana ay khasab tahay maadaama oo waligoodba ay noloshoodu isku xidhnayd.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xasuusiyey labadaa beelood in lagu jiro Bil Ramadaan, bil ay xaaran tahay in dhiig la daadiyo oo ay kamid tahay Ashharul Xurum, wuxuu dadkaa ugu baaqey inay Alle ka cabsadaan, inay Alle ka baqaan, Inay xushmeeyaan bishan barakeysan ee lagu jiro, wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in colaad lagu hoobanayo, lagu dhimanayo, dad lagu waayayo ay dhexdeena kusoo noqnoqodaan oo wax caadiya iska noqdaan.

Wasiirka C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ilaahay ka baryey inuu samir iyo iimaan inaga siiyo inta dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo, Wasiirka ayaa Alle uga baryey bishaa barakeysan ee lagu jiro inuu ilaahay kala qaboojiyi, bogoodana burcda isku mariyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/