Wasiirka Hawlaha Guud, Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Soo Kormeerey Dhismaha Wadada Isku Xidhi Doonta Laascaanood Iyo Kala-baydh.


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Soo Kormeerey Dhismaha Wadada Isku Xidhi Doonta Laascaanood Iyo Kala-baydh.

Kormeerkan Oo Uu Hogaaminayey Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Waxa Kale Oo Labadda Wasiir Ku Wehelinayey Badhasaabka Gobolka Sool, Maayiradda Magaalooyinka Laascaanood Iyo Kala-baydh, Taliyaha Qeybta Gobolka Sool, Musharixiinta Xisbiga Kulmiyey Uga Tartamaysa Gobolka Sool Ee Deegaanka Kalabaydh.

Dhismaha Wadada isku xidhi Doonta Laascaanood iyo Kala-baydh oo meel fiican maraysa, Waxaanay masuuliyiinti kala duwanaa ee madasha joogay u Mahadnaqeen Shacabka Deegaanka iyo Shaqaalaha Haya'da Wadooyinka ee RDA".

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa bogaadiyey Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka sida markasta ugu heelanyahay inuu wax uga qabto Gobolka Sool, gaar ahaan wadadan, waxa kale oo usheegay in Wasiir C/laahi abokor yahay masuul udhago nugul Gobolka Sool iyo Dadweynaha ku dhaqanba, uu muhiimad weyn siinayo Wadadan maanta ay joogaan ee isku xidhi doonta Kala-baydh iyo Laascaanood.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Mudane C/laahi Abokor Cismaan ayaa isna dhinaciisa umahadceliyey dadweynaha Deegaanka, masuuliyiintooda iyo shaqaalaha ku hawlan wadad ee maalin iyo habeen ka shaqeynaya ee Haya'da Wadooyinka ee RDA.



ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD



Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ