Wasiirka Hawlaha Guud Eng Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Qaranka Somaliland Iyo Bahda Fanka Ka Tacsiyadeyey Geerida Ku Timid Abwaan Sooraan.

TACSI WASIIR: 26/05/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 Magaaladda Burco. Waxaanu Wasiirku marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo gacan weyn ka geystay sidii shaqada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu usocon lahayd, isagoo qaab farashaxan, wacyigalin iyo riwaayad intaba ku matalay sidii shaqadda Wasaaradda dadku ufami lahaayeen waliba xiliyada shaqooyinka Qorsheynta Magaalooyinka iyo Ilaalinta Dhulka Danta guud Wasaaradu wadey. Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH C/kariim Maxamed Guuleed Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Xafiiska Warbaahinta, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL. E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com Website: https://mopwh.govsomaliland.org/ Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/ Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/ Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ