Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Is Badel Ku Sameeyey Waaxyaha Wasaaradda.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Waxa Uu Wareegto Wasiir Oo Summadeedu Tahay JWHG/DH&G/XW/141/2021, Ayaa Isbadel Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Agaasime Waaxeedo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
Wareegtada Wasiirka Ayaa Udhignayad Sidan.

Ujeedo: Magacaabis

Iyada oo ujeedku yahay sii adkeynta gudashada waajibaadka shaqo ee Wasaaraddu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u hayso. Islamarkaanna laga duulayo dardar-gelinta hawl-fulinta maalinlaha ah ee arrimaha maamulka dhulka, maareynta guryaha, mashaariicda dhismaha, horumarinta qorsheynta magaalooyinka iyo sii xoojinta hannaanka wada shaqeynta guud. Lana darsay waafinimada weelaynta nidaamka isla xisaabtanka, daah-furnaanta, kobcinta tayada dhismaha guryaha, ilaalinta dhulka danta guud, iyo dardargalinta door ku lahaanshaha qaab naqshadeedka guryaha dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Kaddib markii aan garwaaqsaday jideynta sharci ee Xeerka Kala Xaddeynta Nidaamka Xukuumadda Iyo Hay’addaha Madaxabannaan, xeer Lr. 71/2015, qodobkiisa 34aad, iyo Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Xukuumadda , Xeer-nidaamiye Lr.01/2018, qodobkiisa 30aad oo si cad u qeexaya in Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL ay qaranka uga mas’uul tahay dayactirka, dhisidda iyo Hubinta bad-qabka guryaha dadweynaha.

Kaddib markii aan ku qancay ahmiyadda sugnaanshaha iyo isku habboonaanta qaab-dhismeedka waaxyaha, madax-qaybeedyada iyo xafiis unugeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL. Waxa lama huraan noqotay in la sameeyo Isku darka Iyo Kala Qaybinta Waaxaha Wasaaradda. Kuwaasi oo kala ah:

Haddaba, iyada oo tixgalin weyn la siinayo muhiimmadda ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL u leedahay hirgalinta hadafka, iyo gaadhista bar-tilmaameedka Waaxyaha sare ku xusan. Islamarkaanna aan ku qancay hubaalnimada kartida, aqoonta iyo hufnaanta Qofnimo, laga bilaabo taariikhda maanta waxaan xubnaha hoos ku sheegan u magacaabay in ay ahaadaan:
1. Eng: Axmed Haybe Col-ujoog, Agaasimaha Waaxda Dhismaha Iyo Horumarinta Naqshadeynta “Department of Building and Design Development” oo koobnaaneysa:

▪Qaybta Horumarinta Naqshadeynta Guryaha “Design Dev. Section”.
▪Qaybta Qiimeynta Iyo Maareynta Qandaraasyada “Contract Administration and Cost Management Section”.
▪Qaybta Bixinta Liisamada Iyo Diiwaan-galinta Xirfadlayda Dhismaha “Construction Actors and Licensing Permit Section”.
▪Qaybta Tayo Dhawrista Dhismaha “Quality Control Section”.

2. Eng: Axmed Maxamed Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka “Department of Land Management” oo hadda lahaaneysa qaybahan soo socda:
▪Qaybta Maamulka Dhulka “Land Management Section”.
▪Qaybta Kaydinta Xogta Dhulka “Land Information System and Data Recording Section”.
▪Qaybta Unugga Heeganka Ilaalinta Dhulka Danta Guud “Heegan Group”.

3. Eng: Sakariye Cabdi Muuse, Agaasimaha Waaxda Waaxda Maamulka Guryaha “Department of Houses Management” oo hadda lahaaneysa qaybahan soo socda:
▪Qaybta Maamulka Dayactirka Guryaha Dawladda “Maintaince Management Section”.
▪Qaybta Maamulka Kirada Guryaha Dawladda “Rent Collection Management Section”.
▪Qaybta Heshiisyada Iyo Cabaashada “Contracts and Complains Section”.

4. Eng: Shukri Mukhtaar Cabdalle, ku xigeenka Waaxda Dhismaha Iyo Horumarinta Naqshadeynta "Department of Building and Design Development".

5. Eng: Maxamuud Maal Cali, Lataliyaha Qorsheynta Magaalooyinka Iyo Guryaha

Ugu danbeyntii, waxa dhammaantiin si buuxda laydiin farayaa in aad si karti, xilkasnimo iyo hufnaan shaqo leh u gudataan mas’uuliyadda iyo waajibaadyada shaqo ee aad ugu xil-saaran tihiin Wasaaradda. Waxaanan rejo wanaagsan ku qabaa in aad muujin doontaan wada shaqeyn, hirgalin, ilaalin iyo rumeynta filashada habboon ee bud-dhigga u ah xil-sidkiina.

Allaa Mahad Leh,

Wada Shaqeyn Wacan.

Eng: Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL.