Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Lakulmay Hal-doorka Magaaladda Widhwidh, Sidoo Kalana Soo Kormeerey Wadada Isku Xidhi Doonta Gobolka Sool Iyo Gobolk


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Lakulmay Hal-doorka Magaaladda Widhwidh, Sidoo Kalana Soo Kormeerey Wadada Isku Xidhi Doonta Gobolka Sool Iyo Gobolka Buuhoodle Oo Ka Bilaabanaysa Degmadda Widh-widh.

Kormeerkan Oo Uu Hogaaminayey Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Waxa Kale Oo Labadda Wasiir Ku Wehelinayey Badhasaabka Gobolka Buuhoodle, Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Buuhoodle, Maayiradda Magaalada Widhwidh Iyo Marti Kale.

Dhismaha Wadada isku xidhi Doonta Goboladda Sool Iyo Buuhoodle ayaa meel fiican maraysa, Waxaanay Cuqaasha, Salaadiinta, Aqoonyahan Iyo Mudanta Gobolka Buuhoodle Ka Codsadeen Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadadka Inay Ka Caawiyaan Oo Taageero Dawladeed Ka Gaystaan Inay Dhisanto Wadadan Isku Xidhi Doonta Widhwidh Iyo Laascaanood.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa bogaadiyey Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Taageerada Uu Ka Gaysan Doono Dhismaha Wadadan, Wuxuuna Usoo Jeediyey Cuqaasha Iyo Saladiinta Buuhoodle Inay Qeybtooda Ka Gaystaan Sidii Ay Udhismi Lahayd Wadadani, Isagoo Hoosta Ka Xariiqey In Dawldu Kalideed Aanay Dhisi Karin Wadadan. Una Baahantahay Dawlad Iyo Shacaba In Laga Wada Qeybqaato.


Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Ahokor, ayaa dhinaciisa sheegay inay Rajaynayaan in si guul ah ku dhamaato Wadada isku xidhaysa Gobolada Buuhoodle iyo Sool oo ka bilaabatay Degmada Widh-widh, Waxaanan shacabka uga mahadnaqay siday diyaarka ugu yihiin, una soo dhaweeyeen Horumarka ka socda Deegaanadan".

ALLAA MAHAD LEH


C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ