Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Shirgudoomiyey Shir Lagu Go’aamiyey In Degdeg Loo Bilaabo Hargeisa Master Plan

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa Shirgudoomiyey Shir Lagu Go’aamiyey In Degdeg Loo Bilaabo Hargeisa Master Plan, Shirkaas Oo Maanta Si Wada Jira Udhexmaray Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Dawladda Hoose Ee Magaaladda Hargeysa.

Shirkan Saaka Dhexmaray Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ayaa Wuxuu Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Waxaana Ka Qeybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaama, Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Maayirka Magaaladda Hargeysa Mudane C/kariim Axmed Mooge, Maayir Ku Xigeenka Caasimadda Mudane Khadar, Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeisa Mudane Siciid Nuur Jaamac, Iyo Qaar Kamida Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose Ee Magaaladda Hargeysa.

Shirka Dhexmaray Saaka Labadda Dhinaca Ee Kala Ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Ayaa Masuuliyiintii Ka Kala Socday Ayaa Aad Uga Doodeen In La Dadajiyo Wax Kasta Oo Fudaydinaya Sidii Hore Loogu Bilaabi Lahaa Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa, Isla Markaana La Diyaariyo Wax Kasta Oo Ubaahantahay Sidii Shaqadaasi Ay Degdeg Ugu Dhammaan Lahayd.

Ugu Danbeyn Waxa Ay Labadda Dhinaca Isla Qaateen In Wixii Ka Dhiman Lagu Daro Xog-ururintii Laga Soo Ururiyey Dadweynaha Magaaladda Hargeysa Oo Hadda Gabogabo Ku Dhaw, Isla Markaana Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud Dadadajiyaan Naqshadda Cusub Ee Magaaladda Hargeisa, Si Loo Dadajiyo Sidii Dhakhso Loogu Bilaabi Lahaa Fulinta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa. Iyadoo Labadda Dhinac Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ay Muujiyeen Siday Uga G’antahay Sidii Degdeg Loogu Bilaabi Lahaa In Hargeysa Oo Ah Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Uheli Lahayd Qorshe Magaaleed ‘’Master Plan’’.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD