Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Magaaladda Burco Ka Daahfurey Madasha Wadatashiga Iyo Soo Bandhigidda Qorshe Magaaleedka Magaalada Burco

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryenta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Magaaladda Burco Ka Daahfurey Madasha Wadatashiga Iyo Soo Bandhigidda Qorshe Magaaleedka Magaalada Burco “Burco Master Plan”.

Dooda Iyo Wadatashiga Qorshe Magaaleedka Magaaladda Burco Ayaa Socotay Ilaa 10 Saacadood, Iyadoo Dadweynaha Magaaladda Burco Si Toosa Masuuliyiinta Wasaaradda Hawaha Guud Uweydiinayaan Su’aalaha Ay Qabaan, Sido Kale Bulshadu Soo Jeedimaha Ay Soo Kordhiyaan Wasaaradda Ka Dhagaysanayso
#BurcoMasterPlan