Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Sarsare Oo Ka Socday Hayadda UN-Habitat

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Sarsare Oo Ka Socday Hayadda UN-Habitat

Shirka Uu Maanta Wasiirka La Qaaatay Waxa Goobjoog Ka Ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Dhulka, Iyadoo Dhinaca Hayadda UN-Habitat Ay Ka Socdeen Madaxa JPLG Ee Hayadda UN-Habitat,

Kulankan Ay Maanta Yeesheen Labadda Dhinaca Ayaa Lagaga Wada Hadlay, Shuruucda Dhulka, Iyo Qorsheynta Magaalooyinka, Sidoo Kalana Waxa Aad Looga Dooday Sidii Aad Kor Loogu Qaadi Lahaa Wada Shaqeynta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Hayadda UN-Habitat.

Waxa Xusid Mudan In Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Hayadda UN-Habitat Ay Wada Hogaaminayaan Wadaagaha Kaabayaasha Dhaqaalaha.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD