Wasiirka Hawlaha Guud Ayaa Kulan Ku Saabsan Bilawga Master Plan-ka Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Hargeisa Ee Dhawaan Bilaabanaya La Qaatay Maamulka Dawladda Hoose


Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan Ayaa Kulan Ku Saabsan Bilawga Master Plan-ka Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Hargeisa Ee Dhawaan Bilaabanaya La Qaatay Maamulka Dawladda Hoose Oo Uu Hogaaminayey Maayir Mudane C/kariim Axmed Mooge.

Kulankan Wasiirku La Qaatay Maamulka Dawladda Hoose Ee Hargeisa Waxa Goobjoog Ka Ahaa Maayirka Caasimadda Hargeisa, Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Hawlaha Guud Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa, Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Nagshadeynta Magaalooyinka, Agaasimaha Waaxda Guriyeynta, Agaasimaha Warbaahinta lyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyo Aagasime Ku Xigeenka Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Lataliye Eng. Geedi, Lataliye Eng Nadiif, Agaasimaha Waada Dhulka Ee Dawladda Hoose, Madaxa Qorsheynta Ee Dawladda Hoose Iyo Qareenadda Ka Socday Dawladda Hoose.

Kulankan Ayey Labadda Dhinaca Aad Ugu Faaqideen Qaabka Wadashqeyneed Ee Labadda Hay'ad Dawladeed, Iyo In Si Degdeg Ah Loo Bilaabo Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa Oo Dhawaan La Bilaabayo, Sidoo Kalena Sidii Loo Sameyn Dhulka Aaga Warshadaha Ee Magaaladda Hargeisa.

Kulanka Ayaa Siweyn Looga Hadlay Habraac Dhul Bixinta Ee Uu Jideynayo Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Ee Xeer No:17 Oo Dawladda Hoose Ee Hargeisa Soo Diyaarisay, Isla Markaana Dood Iyo Falanqeyn Laga Yeeshay Iyadoo Lagu Balamay Shirar Kale La Iskugu Yimaado.

Ugu Danbeyn Labadda Dhinaca Ayaa Isla Qaatay In Si Degdeg Ah Loo Bilaabo Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa Isla Markaana Dhawaan La Daahfuro, Iyadoo Hawshaa Geedi Socodkeeda Loo Xilsaaray Labo Gudi Oo Ay Kala Hogaaminayaan Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeisa Mudane Siciid Nuur Jaamac, Isla Markaana Go’aan Kasoo Sareen Xiliga Ugu Dhakhsaha Baddan Ee La Bilaabayo Iyo Wakhtiga Daahfurka Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ